Koonfur Galbeed – Qarax lala eegtay ciidamada Ethiopia

Published: January 1, 2020

Wararka laga helayo degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia qarax lagula eegtay gudaha degmadas, kaas oo sababey khasaaro kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Saldhig Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmadaas, kadib markii mid kamid ah gaadiidka ciidamada Ethiopia qaraxaasi lala eegtay.

Inta la xaqiijiyey qaarxaas ayaa waxaa ku geeriyoodey Laba askari oo ka kala tirsanaa Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Koonfur Galbeed, sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Qansax-dheere.

Ciidamada Ethiopian ah ee qaraxa lala eegtay ayaa waxaa ay fureen rasaas farabadan taas oo ana wax khasaaro ah geysan,waxaana la soo sheegayaa in xaalada haatan ay tahay mid degam.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *