Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xuquuqda maxaabiista ku jirta xabsiyada Sucuudiga

Published: January 3, 2020

Qunsulka Soomaaliya u fadhiya boqortooyada Sacuudi Carabiya , Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa booqasho ku tagay Xabsiga Shimees ee Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga,halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis Soomaaliyeed,

Qunsulka oo la hadlay wakaaalada Sonna ayaa sheegay in ujeedka booqashadiisa ay la xiriirta sidii uu u raadin lahaa xuquuqda maxaabiista Soomaaliyeed ku jirta xabsiyada Dalkaasi Sucuudiga, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay madaxa Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Shimeys, Cabdlalla Xaaji, Agaasimaha Xarunta, Janaral Usaama Bin Millaax, Agaasimaha Xafiiska Wasaaradda arrimaha dibadda ee xarunta Shimeys,  Al-Sayed Qaliil Bin Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

Qunsulka, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa aad ugu kuur-galay xaaladda nololeed iyo tan caafimaad ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiga Shimeys,wuxuuna madaxdii uu la kulmay uu kala hadlay sidii loogu fududeyn  lahaa arrimohooda,islamarkaana ay aqbaleen in dadkaasi maxaabiista ah hadii la qabto ay muddo maalmo kooban gudahood ay dalkoodi hooyo ku soo celiyaan.

Wakaaladda Wararka(SONNA) ayaa la xiriirtay Amb Ilyaas Sheekh Cumar si ay xog badan uga ogaato marxaladda ay ku sugan yihiin maxaabiistaasi iyo wixii uu la kulmay qunsulka.

“Waxaan booqanay xabsiyada si aan u dabagalno xaaladda maxaabiista Soomalaiyeed oo aan cadaaladda deg-deg ah u raadinayno, mas’uuliyiintii aan la kulannay waxaan kala hadlay dhowr arrimood, sida in hadii muwaadin Soomaaliyeed la xiro uu deg-deg loogu fududeeyo howlihiisa.

Amb: Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiinta Xarunta Xabsiga Shimeys ee Magaalada Jidda, iyagoo ka wada hadlay sii xoojinta wada shaqaynta Labada dhinac,isagoo halkaasi ku guddoonsiiyay abaalmarino la xiriira wadashaqeynta wanaagsna oo ay muujiyeen sida shahaado sharaf, wuxuuna Qunsulka si gaar ah ugu mahad celiyay Boqorka Dalka Sacuudiga iyo dhaxalsugahiisa cafiskii gaarka ahaa ee ay u fidiyeen muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee iska bixin waayay Lacagtii dib u labashada ee halkaa ku xannibnaa.

Mas’uuliyiinta Dalka Sacuudiga ee uu la kulmay Qunsulka Soomaaliya ayaa waxay ballan qaadeen in muwaaddiniinta la keeno Xabsiga Shimeys ee Magaalada Jiddah ay Maalmo gudahood ugu fududeyn doonaan howlahooda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *