Khamenei: Waa loo Aari Doono Generaal Qassimi

Published: January 3, 2020

Hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan Aayatullaah Cali Khamenei  ayaa ku goodiyay in loo aari doono Generaal Sulaymaan Qaasimi oo Saaka lagu dilay duqayn cirka ah oo uu Maraykanku ka fuliyay Magaaladda Baqdaad ee Ciraaq.

Hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan Aayatullaah Cali Khamenei iyo Generaal Qaasimi

Wuxuu ka digay cawaaqibka ka dhalan doono dilka loo gaystay Generaal Qaasimi, isagoo sheegay in la sii wadi doono waxaa uu ugu yeeray jidka iska caabinta iyo jihaadka

Generaal Sulaymaan wuxuu ahaa astaan u taagan dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta caalamiga ah, dhammaan dadka jecel waxay ku baaqayaan in loo argudo dhiigiisa” sidaas waxaa yiri Khumayni


Dhinaca kale, wuxuu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor-diiq ah oo lagu xusayo dilka Generaal Sulaymaan Qaasimi guud ahaan wadanka Iiraan.

Qasem Suleimani oo madax ka ahaa ciidamada Qudus ee qaybta ka ah ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan  wuxuu aad ugu dhawaa Aayatullaah Cali Khamenei, waxa uu dhowr jeer ka badbaaday isku dayo dil ah oo ay soo maleegeen Isreal iyo wadamada carabta qaarkood.

Wuxuu dowladda Iiraan u qaabilsanaa howlgalada dibada isagoo ka howlgali jiray wadamada Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan oo garab siin jiray kooxda Xisbilullah.

Dilka Qaasimi ayaa warwar badan ku abuuray wadamada Bariga dhexe iyo caalamka iyadoo laga cabsi qabo in dagaal dhexmaro Iiraan iyo Maraykanka

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *