Madaxwayne Deni oo Joojiyay xuska maalintii la doortay

Published: January 5, 2020

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo laga helay Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu baajiyay xaflad ku saabsan xuska sannad-guuradii kowaad ee ka soo wareegtay, markii la doortay oo ku beegan 8-dii January 2019.

Madaxwayne Deni ayaa amar ku bixiyay in gebi ahaanba la joojiyo xafladdaasi, maadaama sida uu sheegay kharash badan oo aan loo baahnayn ku baxayo, xilli ay jiraan degaanno ka tirsan Puntland oo weli loo gurmanayo, kadib markii ay saameeyeen roobabkii deyrta.

Sida lagu wado Madaxwayne Deni ayaa qaban doono 8-bishan shir jaraa’id oo uu Saxaafadda uga warbixin doono, waxqabadkii Xukuumaddiisa sannad-jirsatay.

Labadii Madaxweyne ee ka horeeyey ayaa horey xus u sameyn jirey maalintii la doortey taas oo ay ku soo bandhigi jireen wax ay ugu yeereen waxqabadka intii ay xafiiska joogeen. Xuskaas waxaa ku bixi jirey dhaqaale badan, qaarkood waxay soo kireysan jireen fanaaniin u heesa, waxaana ay casumi jireen marti meelo kala duwan ka imaan jirtey. Dadka qaarkiis ayaa ku dooda in maalinta doorashada ama Inqilaabka ay tahay dhaqan ay lee yihiin keligii taliyaashu.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Mashalah, alha kula garabgalo dadalka iyo ilanita hantida micno darada u bexeyso, waxan ku farxay in aad joojisay xaladi sanad guurada, waxan kalo ku fatxay dumarki masakinta ahaa ee dariqyada la soo dhoobi jiray oo qoraxda iyo dalka u taganani jiray, soo dhoweynta Madaxweyne.