Wasaarada Caafimaadka Puntland oo dhakhaatir u dirtay Degmada Saaxo.

Published: January 7, 2020

Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in ay dhakhaatiir u dirtay Degmada Saaxo halkaas oo dhawaan uu ka dilaacay cudur sababay dhimashada 3 qof sidoo kale soo ritay bukaano kale.

Dhaqaatiirtas  ayaa waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan dadka bukaanada ah ee isbitaalka Saaxdheer jiifa si loo baahiyaha caafimaad ee jirra, sidoo kale dhakhaatiirka ayaa baari doono nooca uu yahay cudurka ka dilaacay degmadaas gaas oo dadka deegaanku ay garan-waayeen.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *