Iran oo weerartay Saldhigyo Maraykanku ku leeyahay Iraq.

Published: January 8, 2020

Wasaarada Gaashaandhigga ayaa xaqiijisay in 2 Xero oo ciidan oo ay ku leedahay Gudaha Dalka Iraq la wareeray, Maraykanka ayaa sheegay in Iran ay bartilmaameedsatay laba saldhig oo ku Irbil iyo Al-Asad, sidoo kale waxay sheegeen in ay waddaan qiimaynta khasaaraha ka dhashay weerarkaas, Sidoo kalena loo gudbiyay Madaxweynaha Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka oo qoraal ku baahiyay Bartiisa Twitterka ayaa sheegay in xaaladu wanagsan tahay ” xaaladda waa ay wanaagsan tahay, saldhigyo Mareykanka uu leeyahayna ayaa lagu weeraray gudaha dalka Ciraaq, qiimeynna ayaan ku sameynaynaa sida ay wax u dhaceen, dibna ay kasoo sheegi doonaan” ayuu yiri Trumpt.

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Javad sharif oo sheegay in Iran ay aargoosatay.

“Iran waxay weerarkan qaaday iyadoo eegeysa axdi qarameedka 51, waxayna duqeysay saldhigyadii sida fuleynimada ahaa looga soo weerary muwaadiniinteena, mana raadineyno dagaal ee waxaan difaaceynaa nafsadeena”, ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Iran ayaa u digtay wadamada xulafada la ah Mareykanka ee dalalkooda u oggolaaday in uu saldhigyo ku yeesho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *