Cumar Filish oo sheegay in laga hortagay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

Published: January 9, 2020

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ka hadlayay qaraxii shalay ka dhacay Magalaada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaasi ay hortageen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in xiligan Al-Shabaab ay marayaan in ay isku qarxiyaan baraha kontoroolka ay joogaan ciidamada ammaanka, islamarkaana waxaa uu balan qaaday in arintaasi ay wax badan ka qaban doonaan.

Sidoo kale guddoomiye Filish ayaa waxaa uu shacabka ku nool magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, si buu yiri looga hortago falalka amni daro ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Sayidka ayaa waxaa uu ku dhintay inta la xaqiijiyay 6 qof halka 15 qof kalana ay ku dhaawacmeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *