Aqalka Sare oo ka doodi doona sharciga doorashooyinka oo muran badan dhaliyay

Published: January 11, 2020

Mudanayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeynayaa sharciga doorashooyinka Qaranka kaasi oo ay marsiinayaan aqrinta koowaad.

Laba todobaad ka hor ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi sharciga doorashooyinka Qaranka u magacaabay guddi senatorro ah oo ka koobnaa Todoba xubnood, kuwaas oo diyaarinaya sharcigaan isla markaana isku daba ridaya aragti waliba oo ay ka dhiibtaan senatorada.

27-kii bisha December ayaa waxaa meel mariyay sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya iyo golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii muddo Laba todobaad ah ay ka doodayeen sharcigaan.

Xisbiyada mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaar ayaa horay u sheegay in sharciga doorashooyinka Qaranka qodob kamid ah oo waliba midka 53aad ah uu dhigayo muddo kororsi ay sameysanayaan madaxda haatan joogta xukunka.

Sharcigaan haddii uu Aqalka Sare soo dhaafo oo ay ansixiyaan, waxaa saaxiixi doona Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo si intaa wixii ka dambeeya loo soo saaro habraaca rasmiga ah ee loo marayo doorashada dhici doonta sanadka 2021-ka.

Maalintii Khamiista ayay ahayd markii guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliima Yarey ay dalbatay in la de-dejiyo meel marinta sharciga doorashooyinka Qaranka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *