Saddex Caruur ah oo Gaajo ugu Dhintay Muqdisho -DHAGAYSO

Published: January 12, 2020

Xero barakacaal oo ku taalla duleedka magaaladda Muqdisho ayaa waxaa gaajo ugu geeriyooday saddex caruur ah oo ay labo mataano yihiin ka dib markii waalidkii daryeeli jiray ay ku dhinteen qarixii ka dhacay isgoyska Ekiskonrool Afgooye 28 December 2019.

Siciid Cabdi oo horjooge ka ahaa kaamka Calansuge ayaa VOA-da u sheegay in saddexda caruura geeriyootay iyo Hooyadood oo curyaan ah ay xaaladooda nololeed ay aad u liidatay kadib markii ay qaraxii ekiskontorool ay ku geeriyootay caruurta ayaydood oo u shaqayn jirtay

“Ciyaalkan toddobaadkan gudihiisa ayay dhinteen, gabadha caruurta dhashay waa naafo, xanuunsana, markaa waxaa u soo shaqayn jirtay ayeydood oo ku dhimatay qarixii 28 december ka dhacay ekiskontrool, markii waxay cunaan iyo cid daryeesha ay waayeen ayay dhinteen” ayuu yiri,

Horjooge sicii wuxuu ka dayriyay xaalada nololeed hooyadii dhashay saddex caruur ah ee geeriyootay, waxaa kaloo uu sheegay in Hal qof oo kale uu deganaa kaamka uu ku geeriyooday qarixii Ekiskontroo, sidoo kale wuxuu ka dayriyay xaalada nololeed ay ka jirto Kaamla Calan suge .

HORSEEDMEDA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *