Cirro: Madaxweynuhu Waa diiday in uu kala Diro Komishanka Hadda jooga.

Published: January 13, 2020

Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu diiday in la kala diro komishanka doorashooyinka Somaliland ee hadda hooga

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo shir Jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargaysa waxa ay sheegeen in kulankii ay maanta wada yeesheen Madaxweynaha uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday

Guddoomiyaha Wadani oo faahfaahin ka bixinaya kulankaasi waxa uu yidhi

“Madaxweynaha waxaanu ka filaynay wixii u qabsoomay laakiin, wuxuu gunaanadkiisii noqday in aanu fulin karayn kala diriska Guddida Doorashooyinka ee hadda jooga arrintaas oo uu ka gacan taagtay in uu fuliyo, taas oo macnaheedu yahay in aanu fulinayn go’aammadii guddida dhexdhexaadinta.” ayuu yiri guddoomiye Cirro


Guddoomiyayaasha Labada Xisbi waxay sidoo kale ka codsadeen guddiga Komishanka ay iscasilaan si ay dalka doorasho uga dhacdo.

“labada xisbi waxay ugu baaqayaan Komishanka hadda jooga si ay dalka uga qabsoonto doorasho wakhtiga ugu dhakhso badan ee suuro galka ah iyaga oo u tudhaya dalkooda in ay iscasilaan ayaanu ugu baaqayna,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro

Dhinacyada ay arrintani khusayso ayuu sidoo kale guddoomiyuhu baaq u diray

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/2467851363468147/

“Labada xisbi waxay u caddaynayaan una soo jeedinayaan Guddidii Dhexdhexaadinta, Beesha Caalamka iyo Bulshada Somaliland in doorka ay ku leeyihiin ka qaataan hawshan.”


Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu intaasi ku daray in labada xisbi mucaarad ee WADDANI Iyo UCID yeelan doonaan shirar is-dabajoog ah oo ay kaga arrinsanayaan arrintan taaggan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Madaxweynuhu waa inuu fuliya wuxu balanqaaday, sabantoo waa odaygi reerka, waa in uu ilaashada cimaamada udaynimada uu meesha ku fadhiyo.
    Wa biallhi tawfiiq
    Hassan Noor
    London