Al-Shabaab oo dib ula wareegtay Tooratoorow

Published: January 14, 2020

Wararka ka imaanaya deegaanka Tooratoorow ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deegaankaasi Deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Gacanku haynta degaanka Tooratoorow ayaa waxaa ku loolamaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab, iyadoona cabsi ay xiligan soo wajahday dadka deegaanka.

Shalay gelinkii hore ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB waxaa ay la wareegeen deegaanka Tooratoorow, halkaasi oo saldhig wayen uu u ahaa Al-Shabaab.

Dhanka kale Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaanka Tooratoorow.

Majirto weli wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *