Isreal Oo Ka Carootay Diwaano Taariikhi ah oo Turkigu Ku Wareejinayo Falastiniyiinta

Published: January 18, 2020

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay ku wareejinayso maamulka Falastiniyiinta diwaano iyo Dukumiintiyo Taariikhi ah oo ay hayeen muddo 400 Sanno ah.

Diwaanadan ayaa boqortooyadii Cismaaniyiintu waxay ay ku kaydiyeen intii u dhaxaysa qarnigii 16 ilaa qarnigii 20aad waraaqaha lahaanshaha dhulka iyo guryaha ee dhulka Falastiniyiinta.

Diwaanadan taariikhiga ah ayaa maamulka Falastiin ka caawinaya inay ka hortagaan qorshaha Yuhuuda mayalka adag ay ku doonayaan inay kula wareegaan guryaha iyo dhulka Falastiyiinta,iyagoo ku sababaynaya inaysan haysaan Dokomiintiyo sax ah oo cadaynaysa in falastiniyiintu leeyihiin dhulkaas.

Diiwaanadan ayaa ka kooban 140,000 documentiyo oo la kaydiyay ka hor intii aan la aasaasin dowladda Yuhuuda 1947dii ee qarnigii hore.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *