Madaxweynaha Jubaland oo booqday Dekedda Magaalada Boosaaso.

Published: January 18, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdilaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Jubbaland ayaa maanta booqday Dekeda weyn ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale oo Dowladeed.

Labada Madaxweyne ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekeda iyo Xarunta Wasaarada Dekedaha Puntland.

Waxaa kale oo wafdigu ay booqdeen Xarunta Taliska saldhiga bartamaha ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale iyagoo u kuur galaya sida ay shaqooyinku u socdaan waxaana uu kormeerkan ayaa ahaa mid khibrad wadaag ah iyadoo Masuuliyiinta Kale ee Madaxweynaha la socotay ay la kulmeen dhigooda xarumahan ka howlgalaya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *