Musharaxiinta Gal-mudug oo codsaday in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Galmudug

Published: January 18, 2020

Qaar ka midda musharsxiinta xilka madaxweynaha Maamulka Galmudug oo warsaxafadeed soo saaray ayaa shuruudo ku xiray in ay ka qaybgalaan doorashada xilka madaxweynaha Galmudug.

Musharaxiinta bayaankaan ku saaxiixan oo kala ah Cabdiraxmaan Odawaa, Cabdiilaahi Faarax Weheliye iyo Kamaal Guutaale ayaa codsaday in mudo 21 cisho dib loo dhiggo qabsoomidda doorashada xilka Madaxweynaha iyagoo u sababeeyay in ay fursad u waayeen la kulanka Baarlamaanka wax dooranaya.

Isla Bayaankaan sidoo kale waxay ku dhaliileen Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya iyagoo sheegay in ay faragelin ku hayso doorashada Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *