Qaxootigga iyo Magan-galyo doonka ku nool Qardho oo la diiwaan gelinayo.

Published: January 20, 2020

Wafti ka socday Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxda Qaxootiyada iyo Barakacayaasha Beexaani ayaa soo gaaray Magaalada Qardho, waxay kulamo la qaateen Maamulka Degmada iyo Gudoomiyaha Gobolka Karkaar.

Ujeedka kormeerka weftiga ayaa ku saabsanaa wacyigalin loogu gogal- xaarayo barnaamijka diiwaan galinta qaxootiyada iyo magan-galya doonka ee (BIMS – Biometric identity management system) oo ah Barnaamij casri ah oo lagu tirakoobayo Qaxootiga iyo Magangelyodoonka horey u diiwaangeshanaa Degmada Qardho, Laguna qaadayo Faraha iyo indhaha.

Ugu danbayn Masuuliyiinta ayaa booqda halka laga bilaabi doono diiwaangelinta iyagoo la kulmay Gudiyadda qaxootigga iyo dadka magan-galyo doonka ee ku nool Magaalada Qardho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *