Saddex Maamul Goboleed Oo lagu Casuumay Shirka Dib u Eegista Waxbarashada Puntland

Published: January 20, 2020

Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa shalay soo gaaray Wasiiro iyo agaasimayaal ka socda Wasaaradaha waxbarashada ee maamul goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Hirshabeele

Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda waxbarashada Puntalnd Bashiir Jaamac Maxamed oo weftiga ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Maxamed Abshir ayaa sheegay in weftiga ay ku casuumeen inay ka qaybgalay shirka dib-u-eegista waxbarashada Puntand oo sanadkiiba mar la qabto.

” Waxaanu casuunay oo noo yimid wasiirada waxbarashada Hirshabelle iyo Galmudug oo ay weheliyaan agaasimayaashoodii, Maamulka Jubbaland waxaa ka socda Agaasimayaal” Sidaas waxaa yiri Wasiir ku-xigeenka waxbarashada Puntland

Wuxuu sheegay in ujeedada ay u casuumeen ay la xiriirto sidii ay khibrad uga kororsan lahaayeen nidaamka waxbarashada Puntland iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha waxbarashada ee Federaalka.

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga hadlayaa dood cilmiyeedyo kuqotoma siyaasadda cusub ee waxbarshada dalka, jihooyinka siyaasadeed ee waxabarashada dalka gaar ahaan tayada waxbarashada iyo dhageysiga warbixinnada waxbarashada deegaannada Puntland oo dhan.

Wasiirada iyo agaasimayaasha ka socday saddexda maamul goboleed ayaa ka mahadceliyay casuumada ay wasaarada waxbarashada Puntland u fidisay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *