Waa sidee xaaladda guud ee degmada Marka?

Published: January 20, 2020

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay laga helayo Magaalada Marka ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay duleedka degmadaasi ka wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan, kadib markii Al-shabaab ay weerarkii Ku qaadeen magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in saakay xaalada ay degan tahay, inkastoo ciidamada ay dad badan ka qabteen Magaalada Marka

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar ku bilaawdey Gawaari laga soo buuxiyey qaraxyo ku qaadeen fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ururka 4aad Guutada 14 Oktoober Dhamme Cusmaan Maxamed Muuse ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalkii dhacay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *