Xubin Ka Tirsan Guddiga Wadahadalada DF iyo Somaliland oo Iscasilay

Published: January 22, 2020

Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo xubin ka ahaa guddiga wadalada iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa iscasilay sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somaliya.

Qoraalka ka soo baxay Villa Somalia waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ka xun tahay hadalka uu Mudane Guulwade ee uu ku sheegay waraysi uu siiyay telefishanka Shabeele ee Magaaladda Muqdisho kaasi oo uu ku taageeray go’aan sax ahna ku tilmaamay duqayntii iyo dagaaladii ka dhacay Magaalooyinka Hargaysa iyo Burco 1988dii.

“Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada

“Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Villa Somalia

Villa Somalia waxay sheegtay in hadalka Guulwadade uu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa.

“Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul”

Jeneraal Guulwade oo mar noqday Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed xilligii ay dhaceysay dowladdii milateriga ee Siyaad Barre ayaa sanadkii hore waxaa uu sheegay in Puntland ay ka caqabad ku tahay wadahadalada dowladda Federaalka iyo Somaliland, islamarkaana uu filayo inay burburi doonto dowladda Puntland, Hadalkaas waxaa si weyn uga carooday Xildhibaan Cali Xoosho oo laga soo doorto degaanada Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *