Madaxweyne Farmaajo oo Loogu Baaqay Inuusan Saxiixin Xeerka Saxaafada

Published: January 24, 2020

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa Walaac ka muujiyay islamarkaana ka dalbaday madaxweynaha dowladda Federaalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuusan saxiixin xeerka Saxaafadda oo xafiiska madaxweynaha loo gudbiyay 16 Jannaayo, 2020.

Ururku wuxuu sheegay in xeerkan oo wax laga beddelay uu caburin iyo xayiraad ku soo rogaya saxaafadda oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 14 Jannaayo 2020.

“Sharcigu faafreeb kaliya kuma sameynayo suxufiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed, ee wuxuu khatar ku yahay shaqada suxufiyiinta isagoo dembi ka dhigaya war-tebinta suxufiyiinta, isla markaana xayiraad ku soo rogaya shaqada ay suxufiyiinta u hayaan bulshada. Tani waa xadgudub weyn oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Mudane Cabdalle Axmed Mumin oo ku baaqay in Madaxweynaha uu awooddiisa dastuuriga ah ku diido inuu saxiixo Sharcigan” ayaa lagu yiri qoraalka ururka SJS

HALKAN KA AKHRISO WARSAXAFADEEDKA SJS

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *