13 Isim iyo Odoyaal Dhaqameed Ka Degay Magaalada Muqdisho

Published: January 30, 2020

Isimo iyo odoyaal dhaqaamed ka soo jeeda degaamadda Puntland iyo dowladda Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta gaaray magaaladda Muqdisho halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay

Guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee Golaha shacabka BFS, Wasiiro, Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, odayaal dhaqmeed iyo siyaasiyiin ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si weyn ugu soo dhaweeyay Isimada Puntuland iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Isimada la soo dhaweeyay ayaa mid mid u gacan qaaday madaxdii kala duwaneed ee garoonka kusoo dhaweeysay, iyadoo booqashadaani ay qeyb ka tahay dadaalada loogu jiro xoojinta nabadeenta Soomaaliya iyo isku soo dhawaanshaha Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda ay diyaar u yihiin soo dhaweynta isimada Muqdisho soo gaaray.

Guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee golaha shacabka BFS ayaa ka hadlay talaabadan ay Muqdisho kusoo gaareen isimada Puntuland iyo kuwa Dawlad Deegaanka Soomaalida

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *