NISA oo qabatay shabakad Alshabaab u qaabilsanayd qaraxyadda.

Published: January 30, 2020

Hay’ada Nabadsugidda iyo Sirdoonka qaranka ee Nisa ayaa shaaca ka qaaday in ay soo qabatay shabakad ururka Alshabaab u qaabilsanayd samaynta qaraxyadda iyo maadooyinka laga sameeyo, howlgaladaan ayaa dhacay 26 iyo 28 bishan Janaayo.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in howlgalo dhacay 26 iyo 28 bishan Janaayo lagu soo qabtay Shabakad Al-Shabaab u qaabilsan qaraxyada, inkastoo aan la shaacin shabakadaas inta ay ka koobneyd.

NISA ayaa sidoo kale soo bandhigtay agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa, maadooyinka laga sameeyo qaraxyada iyo agabyo kale, balse ma aysan sheegin meelaha laga qabtay shabakadaan iyo inta ay ka kooban tahay.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *