Goodax : Shahaado Ma Arkayo Ardaygii Reer Puntland ee aan Imtixaanka Gelin-DAAWO

Published: January 31, 2020

Wasiirka waxbarashada dowladda federaalka C/laahi Goodax Barre ayaa mar kale ku celiyay in Wasaaradiisu aysan shahaado siin doonin ardaygii aan gelin imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare.

Wasiirka oo shir jaraa’id qabtay waxa uu ku eedeeyay maamulka Puntland inay masuul ka yihiin fashilka ku yimid wadahadalada muddo 4 sanno oo socday oo la doonayay in lagu mideeyo imtixaanada Shahaadiga ee dugsiyasada Sare.

Wasiirku wuxuu sheegay in si khaldan loo fasirtay qodobada dastuurka ee ka hadlaya arrimaha waxbarashada

https://www.facebook.com/Godahbarre/videos/630334967717409/

” Dastuur Somaliyeed oo dhahaya ma jiro ardayda midna imtixaan ha la galiyo midna yuu galin ee shahaado ha la siiyo, sharci somaliyeed oo arrintaas fasaxayana kuma yaalo” ayuu yiri Wasiirku

” meesha sartu ka quruntay waxa weeye imtixaankaan qaadayaa , ilmahayguna, ilmahayga waxaan rabaan siinayaa cidna igama warqabayso, xataa ilmuhu waxay yihiin ma ogaanaysaan laakiin shahaada ayaad bixinaysaa, waxaasi waa sadbursi aan marna la qaadan karin”

Wasiirku waxaa uu sheegay in imtixaanka shahaadiga ee ay qaado wasaaradiisu micnihiisu ka weyn yahay Maamul goboleedyo, islamaraana aan loo joojin dooni maamulkii diida.

” haddii maamul goboleed diido imtixaanka federaalka waqti ku lumin mayno howlo kale ayaa noo yaal, mana daba ordayno, intaan daba orodnay ka badan, waa howl iyaga u taala oo shacabkooda ayaa la xisaabtamaya” ayuu yiri Wasiirku

Wasiirku wuxuu kaloo shirkii jaraa’id ku sheegay in waxbarashada Puntland ay cid gaar ah u afduuban tahay oo wasiirka waxbarashada Puntland uusan wax awood ah lahayn. waxaa kaloo uu sheegay in Iskool iyo Waalidiin ay ka cosadeen inuu yimaado oo uu qaado imtixaanka.

Wasiir goodax bare oo ka muuqatay caro badan waxaa weerar ku qaaday qaar ka mid ah wasiiradii hore ee waxbarashada Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Senator C/raxmman Faroole

Ilaa 5000 arday oo reer Puntland oo Sanadkii hore ka qalin jabiyay dugsiyada sare ayaan helin shahaadada dugsiga sare khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland darteed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *