Maraykanka oo u hambalyeeyey madaxda loo doortay Galmudug.

Published: February 2, 2020

War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa u hambalyeysay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Galmudug ee ahaa nidaamkii doorashada ay taageersaneyd dowladda Federaalka taageersaneyd ee maanta ka dhacay Magaalada Dhuusa-mareeb.

“Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug waa bilowga geedi socodka dib u heshiisiinta sal ballaaran, Amb Yamamoto wuxuu ugu baaqayaa qof walba inuu ku biiro wada hadal nabadeed oo ka fogaado qalalaase. hambalyo Madaxweynaha cusub ee la doortay Axmed Qoor Qoor. Hadda waa in aan diirada saarno mudnaanta koowaad ee Amniga Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Qaar ka mid xildhibaanada Baarlamaanka DFS ee kasoo jeeda Galmudug ayaa si wayn ugu kala aragti duwan doorashada ka dhacday Dhuusa-mareeb, Galmudug ayaa horay loogu qabtay shir lagu kala doortay Sheekh Axmed Shaakir iyo Axmed Xaaf oo labaduba sheegtay in ay yihiin Madaxweynayaasha Galmudug.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *