DFS oo Waaran caalami ah u goosatay qabashada Cabdirashiid Janan.

Published: February 4, 2020

Ciidamada Booliska ah ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dalbaday waaran caalami ah oo lagu soo qabto Wasiirkii Amnigga Jubaland Cabdirashiid janan, kaas oo ka baxsaday gacanta ciidamada dawlada.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay Hey’adda Booliska Caalamiga ee Interpol ka codsatay in lagala shaqeeyo sidii loo maxkamadayn-lahaa eedeysane Cabdirashiid Janan si loogu soo oogo dambiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul Insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan.

”Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida.Nidaamka Cadaaladeed ee dalkeenu waxa uu leeyahay habraacyo munaasib ah oo ku saleysan dhageysiga iyo xaqiijinta dacwadaha, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha, sidaas darteed ma ahan wax la aqbali karo in eedaysane baxsad ka ah caddaaladda uu gabbaad ka dhigto dal daris” ayaa lagu yiri war-saxafadeedka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *