Xarunta la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya oo Qardho laga dhagax-dhigay.

Published: February 5, 2020

Wasiirka Beeraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Sacii Xuseen Ciida Iyo Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Gama’adiid ayaa si wada-jir ah Magaalada Qardho uga dhagax-dhiga xarunta la dagaalka iyo ka hortagga Ayaxa ee Soomaaliya.

Wasiirka Deegaanka Puntland ayaa sheegay in xaruntaan ay noqon doonto meesha looga diyaar garoobo dhibaatada ayaxa, sidoo kale lagala dagaalo marka uu waddanka soo gallo, Wasiirku waxa uu sheegay in Xiligii Dalwadii hore ee Soomaaliya ay xarun ku lahayd magaaladaan.

Wasiir Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Ayaxa uu saamayn wayn u gaystay beeralayda Soomaaliyeed, sidoo kalena uu baabi’iyay dhul aad u tira-badan. ” Halkaan waxaa xaruntii u horaysay ee burburkii ka dib soomaaliya laga furro, 25 anaga soomaaliya ayax noocan ah ma iman, hadda ayaan ku baraarugnay wadankii oo ayax qabsaday, runtii waxna nooma diyaarsanayn, bariga afrika oo dhan ayuu kedis ku ahaa, ayaxu waa musiibo aad u wayn oo ah kuwa ummadaha lagu halaago ka mid yahay quraankaa lagu sheegay”

Wasiir Xuseen waxa uu xusay in qorshaha dawlada uu yahay in xarumo laga sameeyo meelaha uu kasoo deggo si looga hortaggo loolana dagaalamo. DFS ayuu sheegay in hadda ka dib ay u tabaabushaysan doonto ka hortagga ayaxa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *