Diwaan galinta Ciidamada Oo ka bilaamatay Bosaaso.

Published: February 8, 2020

Wasiirka Maaliyadda dowladda Xasan Shire Abgaal oo ah Gudiga dib-u-habaynta Ciidamada Dawladda Puntland ayaa maanta ka bilaabay magaaladda Bosaso diwaangalinta ciidamada Booliiska iyo Birmadka

Guddigan oo uu xubin ka yahay wasiirka amniga Puntland C/samad Galan ayaa ciidamada ku samaynaya sixxida iyo diwaan galinta casriga ah ee ay wado xukuumadda u hoggaamiyo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen Yaasiin Cumar Dheere ayaa ku weheliya wasiirada maaliyada iyo amniga howlaha lagu diwaangaliyo ciidamada

Kooxaha diwaan galinta iyo Hibinta Caafimaadka ayaa galeeyay Goobaha Ciidamada ee gudigu shaqada ka wadan si loo ogaado tirada Ciidamada la diwaan galiyay.

Waxaa xusid mudan in daah-furka Ciidamadan ay goob joogaa ka ahaayeen Saraakiisha Booliska Gobolka barri iyo ciidanka SPU.

Guddigan ayaa hore u soo diwaangaliyay ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska ee Gobolada Karkaar, Nugaal, Sanaag iyo Haylaan ee Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *