Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise sharciyeed ay Diideen Puntland iyo Jubbaland- Daawo

Published: February 10, 2020

Xildhibaanada aqalka sare ee dowladda federaalka ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka duulista rayidka oo ay soo gudbisay xukuumadda Federaalku

Kulanka aqalka sare ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Senator Mowliid Xuseen Guhaad ayaa diiradda lagu saaray Akhrinta 2aad iyo 3aad ee Hindise-sharciyeedka Duulista Rayidka.

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Salaad Oomar iyo Mas’uuliyiin la socday.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta 2aad iyo Akhrinta 3aad marsiiyey Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Ugu dambeyntii, Golaha Aqalka Sare ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Duulista Rayidka waxaana Ogolaatay 29 Senator mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa golaha Aqalka sare uga mahadceliyay meel marinta sharcigan oo ay baahi weyn u qabeen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *