Somaliya iyo Suudan oo Kala Saxiixday Heshiis Iskaashi oo Macdanta iyo Batroolka ah

Published: February 11, 2020

Wasiirka batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka Eng Abdirishiid Mahmed Axmed oo boqasho laba cisho ah ku joogay caasimadda dalka Suudan ee Khartoum ayaa heshiis la saxiixday dhigiisa Wadanka Suudaan Caadil Ali Ibraahim.

Wasiirka ayaa booqday xarumaha Kala duwan ee lagu soo bandhigo wax soo saarka dahab-ka ee dalka suudaan,waxana wasiirku uu kulamo la qaatay madaxda shirkadaha macdanta, Waxaa uu wasiirku madaxda shirkadda uu uga warbixyey sidii Soomaaliya diyaar ugu tahay in ay ka faa’idaysato khayraadkeeda dabiiciga ah,gaar ahaan wax-soo saarka macdanta iyo batroolka.

Heshiikan oo ah mid iskaashi ah aayaa waxaana goob-joog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Suudaan Amb-Maxamed Sheekh Isxaaq qunsulka safaarada Osman Axmed Mohamed madaxa Ganacsiga safaaradda Yuusuf Jeego.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi ayaa toddobaadkan wuxuu qalinka ku duugay sharciga batroolka oo ay soo ansixiyeen Xildhibaanada labada aqal ee Federaalka. Sharcigan waxaa si weyn uga soo horjeestay maamulada Jubbaland iyo Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *