Askar iskugu jirta Saraakiil iyo ku xigeeno oo Tababar Loogu Soo Xiray Muqdisho

Published: February 13, 2020

300 oo Askari oo iskugu jira Saraakiil iyo ku xigeeno ahna dufcaddii 1-aad ee Ciidanka Daraawiishta Soomaliya ayaa Maanta loo soo xiray tababar muddo socday.

Munaasabadda tabarka loogu soo xirayay ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Xildhibaanno, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga, Saraakiil ka tirsan AMISOM,UNKA, Masar.

Taliye xigeenka hoggaanka iyo tabararrada Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Maxamuud Maxamed Garaar ayaa sheegay in Ciidankaan la baray Carasho ku saabsan ka hortagga dhagarta Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Xildhibaan; Zikiriye Xaaji Ismaanciil oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Taliska Booliiska ku bogaadiyay dedaallada ku aaddan tayaynta Ciidanka iyo sida ay ugu heellan yihiin la dagaallanka cadowga.

Taliyaha Ciidanka Soomaliyeed sareeye Gaas; Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay inay xoogga saarayaan dhismaha Ciidan Qaran oo hanta ammaanka Dalka iyo jiritaanka Qaranka Soomaliyeed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *