IMF iyo Banggiga Adduunka oo xaqiijiyay in ay Soomaaliya buuxisay shuruudihii deyn cafinta

Published: February 14, 2020

Shir ay yeesheen guddiyada sare ee Bankiga adduunka iyo IMF intii u dhaxaysay 12-13-kii Bishaan ayey uga doodeen nuqulo warbixino ah ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya, taas oo khuseeysa hindisaha sare ee dalalka saboolka ah ee aad u deymeysan.

Guddiga sare ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay waddo DFS ee lagu hagaajinayo xariirka Soomaaliya iyo hey’adaha deymaha ku leh iyo sidoo kale nadiifinta deymaha, waxayna isku raaceen in qiimeynta la sameeyay ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo inta badan US$5.3 billion ee lagu leeyahay.

Kulamadii guddiga sare ee IMF ay yeesheen February 12, 2020, Kristalina Georgieva, oo ah agaasimaha maamulka iyo IMF ayaa caddeysay in Soomaaliya ay kasoo baxday imtixaankii ayna u qalanto in daynta laga cafiyo.

Madaxweynaha Baniga adduunka, David Malpass ayaa kadib kualka guddiga sare ee Baniga adduunka ee maanta dhacay waxuu shegay in maanta tillaabo wanaagsan loo qaaday in Soomaaliya ay dib u anba qaado in maaliyad ay ka hesho hey’adaha maaliyadda caalamka, waxuuna Soomaaliya ugu hambalyeeyay dib-u-habeynta ay sameysay, isaga oo u mahad celiyay saaxiibada caalamka ee gacanta ka geysay guusha la gaaray.

“Geedisocodka lagu dhammaystirayo si ay Soomaaliya u hesho dayn-cafiska waddamada faqriga ah ee daymaha culus lagu leeyahay, in hawsha maaliyadeed ee Soomaaliya ee hadda ay kormeerka ku hayaan IMF looga soo baxo si lagu qanacsan yahay, iyo in dawladda Soomaaliya ay dawladaha iyo hay’adaha daymaha ku leh ay daymahooda siiyaan ama ay kula heshiiyaan istiraatijiyo looga nadiifiyo” ayuu sii raaciyay Madaxa Bangiga Adduunka.

Bangiga Addunka iyo IMF ayaa qiray in iyada oo ay jiraan caqabado waaweyn oo ku hor gudbanaa in horumar laga sameeyo dadaallada socday, ay Soomaaliya ku guuleysatay imtixiinkii xilliga dheer ay ugu jirtay nadiifinta deymaha lagu leeyahay, waxayna isku raaceen inay Soomaaliya si guul ah ku gaareyso barta go’aan gaaridda ee dhamaadka bisha Maarso ee 2020.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *