Somaliland oo Mar kale Diiday Inuu Farmaajo Yimaado Hargaysa

Published: February 16, 2020

Warqad rasmi ah oo ay Xukuumadda Somaliland u dirtay Wasaaradda arrimaha dibada ee Itoobiya ayay ku sheegtay inay ka soo horjeedo in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu yimaado Magaaladda Hargaysa ee Caasimadda Somaliland.

Warqadan ayaa xukuumadda Somaliland ku sheegtay inaysa raali ka ahayn inay soo dhawayso Madaxweynaha Somaliya. Sida ay wararku sheegayaan madaxweynaha Somaliland Muuse biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu toddobaadkan uu hortego barlamaanka isagoo faahfaahin ka bixin doono Kulankii isaga iyo farmaajo ee Magaaladda Adis-ababa

24 Saac ee la soo dhaafay waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta qabsaday wararka la xiriira in Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tegi magaalada Hargaysa isagoo ay wada socdaan Ra;isul wasaaraha Itoobiya Abi Axmed.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse biixi ayaa toddobaadkii hore yeeshay kulan qaatay 40 daqiiqo oo ka dhaqay xafiiska Ra;isul wasaaraha Ethiopia, kulankaasi oo aan weli war rasmi ah aan laga soo saarin.

Wadahadalada u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa muddo 3anno ah wauxuu ku jiray Hakad. Maamulka Somaliland ayaa 29 Sanno ka hor ku dhawaaqay inuu ka go’ay Somaliya inteeda kale.

HORSEEDEMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments