Wariye madax-bannaan oo Lagu Toogtay Afgooye

Published: February 16, 2020

Cabdiwali Cali Xasan (Abdiwali Online) oo ahaa wariye madax banaan ayaa lagu toogtay degmada Afgooye, Gobolka Shabeelaha Hoose

Dad aan la aqoonsan ayaa wariyaha madaxa iyo feeraha kaga dhuftay dhowr xabbadood taasoo sababtay inuu dhaawac daran soo gaaro xilli uu u socday hoygiisa oo ku yaalla Xaafada Xaawo Taako ee degmada Afgooye,

Wariye Cabdiwali ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray intii loo sii waday isbitaalka. Kuwii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday iyagoon la qaban sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa iyo wariyaal ay wada shaqaynayeen

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo warasaxafadeed ka soo saaray dilka Wariye Cabdiweli Online ayaa sida ugu adag u cambaareynayaa dilka wariyahaasi.

“Waa maalin kale oo murugo u ah bahda saxaafadda Soomaaliya. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose inay baaritaan deg deh ah billaabaan, ayna soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha oo ay horkeenaan sharciga,” sidaas waxaa yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Mumin.

Suxufigan ayaa wararka u diri jiray Telefishanka Universal iyo Idaacada Kulmiye ee Magaaladda Muqdisho. Warkii u dambeeyay ee uu soo diray wariye Cabdiwali ayaa ahaa dhaqdhaqaaq Ciidanka Xoogga Dalka (XDS) ay ka wadaan degmooyin ka tirsan Shabeelaha Hoose maalintii Sabtida 15 Febraayo Sida uu sheegay Tifaftiraha Radio Kulmiye, Cabdiqani Cabdullaahi

Dilka Cabdiwali Cali Xasan waa kii ugu horreeyay ee sannadkan 2020 wariye loogu geysto gudaha Soomaaliya. Allaah Ha u Naxariistee wuxuu wariye Cabdiwali oo ahaa 25 jir, dunida kaga tagay xaas iyo labo carruur ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *