DFS oo faahfaahin ka bixisay Weerarkii Al-shabaab Ku Qaadeen Ceel-Saliini

Published: February 19, 2020

Saraakiil ka tiran ciidanka milateriga federaalka oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyay weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah iyo dagaal xigay oo saaka Al-Shabaab ay ku qaaday Saldhig milateri oo ku yaal deegaanka Ceel-Saliini ee gobolka Sh/Hoose.

Saraakiishaan ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaan ay khasaare dhimasho iyo dhaawacba ku gaarsiiyeen kooxdii hubeysnaa ee soo qaaday. Saraakiishu waxa ay intaasi ku dareen in iyagoo ku jireen feejignaan uu dagaalku dhacay, taasina ay sahashay inay fashliliyaan, sida ay hadalka u dhigeen.

“Ciidamada oo ku jira feejignaa ayay soo weerareen Al-Shabaab waxaana ka hortagnay isku daygaasi weerarka ah oo ay soo qaadeen Al-Shabaab, balse Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyay halkaasi”. ayuu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya inu ururka Alshabaab ay qabsadeen xerada ciidamada federaalka Ceel-Saliini oo ay halkaasi ku dileen 12 Askari , ayna qaateen hubkii iyo rasaastii taalay xerada kadibna ay isaga baxeen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *