Afar Qodob oo Lagaga Dooday Shirka Gollaha Wasiirada Puntland

Published: February 20, 2020

Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa toddobaadkan waxaa lagaga dooday afar qodob oo muhiim ah.

Shirkan uu Shir-guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda,Arrimaha Diinta, Dasuurka iyo Dhaqan Celinta Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Cawil Shiikh Xaamud, waxaa looga hadlay Amniga, Xaaladda Ayaxa, Caabuqa Coronavirus iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Dowladdaha Hoose Lr 7.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah C/qafaar Cilmi Xaange ayaa ka warbixiyay shirku markii uu soo dhammaaday.

Shirka gollaha wasiirada ayaan maanta looga hadlin sicir barar ka taagan degaanada Puntland, iyadoo magaalooyinka qaarkood laga diiday lacagta shilin somaliga.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *