Feeryahanad Soomaaliyeed oo ka guuleysatay feeryahanad u dhalatay Dalka Kenya.

Published: February 23, 2020

Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ramla Cali ayaa usoo baxday Rubuc dhamaadka Isreebreebka Feerka Afrika ee loogu soo gudbayo Ciyaaraha Olambikada Adduunka ee magaalada Tokiyo ee Cariga Jabaan.

Ciyaartaan ay Ramlo guulaystay ayaa ka dhacday magaalada dhakar ee dalka Senegaal, Ramla garaacday Beatrice Akoth oo u dhalatay dalka Kenya, waxayna hadda u baahan tahay inay kulanka soo socda guuleysato, si ay taariikh u sameyso, islamarkaana ay u noqoto gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee Feeryahanad ah ee ka qeyb gasha ciyaaraha Olambikada Adduunka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *