Alshabaab oo Saddex Masuul Ku Dilay Degmada Baardheere

Published: February 25, 2020

Ururka alshabaab ayaa guryahooda kala baxay kadibna dilay saddex masuul oo ka tirsan maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gado ee Jubbaland.

Labo ka mid ah masuuliyiintan ayaa ururka Alshabaab ay gawraceen halka mid ka saddexaadna ay toogasho ku dileen. masuuliyiintan ayaa lagu kala magacaabijiray Carab Jiis, Jibriil Maxamed iyo Cabdi Santuur.

Ururka Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in masuuliyiinta ay dilka ku fuliyeen ay ahaayeen Guddoomiye Waaxeedyo ka tirsanaa maamulka Baardheere.

Maamulka Jubbaland iyo kan degmada midna kama hadlin masuuliyiinta la laayay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *