Puntland iyo Somaliland oo dagaal kooban ku dhex maray degmada Laas-qoray.

Published: February 25, 2020

Sawir Hore:

Sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah waxaa saaka dagaal Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ku dhex-maray ciidamo ka kala tirsan maamulka Puntland iyo Somaliland.

isku dhaca ayaa ka dhex-bilowday ciidamo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland  Cali Xuseen Soomaali iyo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ugu magacaaban Somaliland Maxamuud Xaamud.

Sidda la xaqiijiyay hal askari ku dhintay dagaalkaas oo si kedis ah ku bilowday balse weli faahfaahin dheeriya lagama hayo khasaaraha rasmiga ah.Labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland midkoodna weli kama hadal dagaalka saaka ku dhexmaray degmadaas Laasqoray ee ku taalla xeebta Badda Cas.

Waa dagaalkii labaad ee dhex mara labadaan masuul tan iyo markii labada dhinac loo kala magacaabay labada gudoomiye taas oo ku siman hal sanno.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *