Heshiiska laga gaaray qabsoomidda Doorashooyinka Somaliland.

Published: February 27, 2020

Xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumada Somaliland ayaa maanka aqalka madaxtooyadda Hargaysa ku yeeshay kulan looga hadlay arrimaha doorashooyinka, Mucaradka iyo Dawlada ayaana heshiis hordhac Rasmi ah ah ka gaaray arimaha doorashooyinka.

Heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Midowga Yurub oo dhaqaalaha Doorashooyinak bixinaya. Sadexda Xisbi ee Somaliland ayaa ku heshiiyey sadex qodob oo muhiim u ah geedi socodka doorashooyinka, iyadoo xooga la saaray sidii ay waqtigooda ugu dhici lahaayeen doorashooyinka labada golle iyo deegaanka oo dhawaan qorsheysan.

Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah

1: Somaliland waa in ay doorashada Golaha barlamaanka Iyo Golaha degaanka La qabtaaa Bisha 9-aad ee sanadkaan 2020.

2: Waxa doorashada Maamulaaya Koomishankii Hore ee Qaranka oo Lagu daray Saddex Xubnood oo beesha Caalamka Ah.

3: Dhamman Xogaha Iyo Ducmentiska Doorashooyinka Somaliland Waxa Maamulaaya 3 ruux oo ka Socda Midowga Yurub.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *