Puntland ”Haddii DF Ciidamada Haramcad keento Mudug waxaan u diyaarinay ciidamada Shabeelka”

Published: February 27, 2020

Gen Muxiyadiin Axmed Muuse Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland oo waraysi gaar bixiyay ayaa sheegay in ciidamada Booliska Puntland ay hawlgallo ka waddaan Magaalada Garoowe Caasimada Puntland, Taliyuhu waxa uu sheegay in hawlgaladaan ay yihiin kuwa lagu sugayo Amnigga Caasimada maadaaama dhawaan lagu qaban-doono shir looga tashanayo Aayaha Puntland.

Gen Muxudiin ayaa waxaa uu ka hadlay wararka soo baxayay oo sheegayay in Dowladda Soomaaliya ay Ciidamo geyneyso qeybo kamid ah gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkaccyo ayaa sheegay inay iska difaacayaan.

“Xaqiiqdii hadii Dowladdu keento Ciidanka Haramcad anagana waxaan u diyaarinayaa Ciidanka Shabeelka oo iska difaacaya,waxaana ay Ciidanku diyaar u yihiin difaaca dhulka,waxaana ugu baaqayaa Shacabka inay Ciidamada la Shaqeeyaan” ayuu yiri Taliyuhu.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *