Kal-fadhigga 2aad ee Baarlamaanka Jubaland oo Furmaya.

Published: March 7, 2020

Baarlamaanka Jubaland ayaa maanta waxaa si rasmi ah ugu furmi doona kal-fadhiga 2aad ee golahaan cusub, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu waddaa in uu ka qayb-galo halkaasna ka jeediyo khudbad ku aadan xaalada Maamulka Jubaland.

Ciidamada Amaanka Jubaland ayaa si wayn u sugaya xarunta uu baarlamaanku ku shirayo, Xubnaha baarlamaanka ayaana lagu wargeliyay in ay fadhigga soo xadiraan.

Madaxweynaha ayaa khudbadda furitaanka Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka kaga hadli doona  Xaaladda siyaasadeed ee dowlad goboleedka Jubbaland, xiisadda ka taagan Gobolka Gedo, Xiriirka ka dhaxeeya Jubaland iyo DFS iyo Doorashada Soomaaliya ee loo diyaar-garoobayo.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa fasax dhawaan galay, kadib markii kalfadhigii 1-aad ay ku doorteen Axmed Maxamed Islaam oo Natiijada Doorashadaas iyo dhismahoodaba waxba kama jiraan ku tilmaamtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *