Saraakiil Beeniyay in Corona Ku Dhacay Ayatullah Khumeeni

Published: March 20, 2020

Hoggaamiyaha Ruuxiga ee dalkaasi Iiraan Ayatullah Cali Khumeeni ayaa markii u horraysay ka soo muuqday telefishanka Dalkaasi, isagoo dadkiisa ugu hambalyeeyay sanadka cusub ee dabshida Nayruuska ee taariikhda Perisa.

Waxaa uu ku ammaanay shacabka Iiraan sida nafhurida ah ay ula dagaalamayaan Cudurka Coronavirus oo dilay dad ka badan 1400 qof, halka uu ku dhacay 20 kun oo qof.

Saraakiil ku dhow wadaadka ayaa beeniyay warar maalmahan la isla dhexmarayay oo sheegayay in cudurku uu ku dhacay Khumeeni, iyagoo hore looga helay mid ka mid ah la taliyayashiisa.

Dhinaca kale, Dowladda Iiran ayaa ogolaatay in baaritaan iyo daaweyn loo sameeyo Michael White oo ahaa Sarkaal howlgab ah oo ka tirsnaa ciidamada Marinaysa Maraykanka oo tan iyo sanadkii 2018kii u xirnaa dowladda.

Mudane White ayaa lagu xukumay 10 sanno oo xabsi ah kadib markii lagu soo eedeeyay inuu aflagaadeeyay Ayatulah Cali Khumayni. Maraykanka ayaa dowladda Iiran u sheegay in qaadan masuuliyada haddii uu cudurku uu ku dhaco maxaabiista Maraykanka ee ay gacanta ku hayaan oo uu ku jiro Askariga howlgabka ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *