Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaalo

Published: March 21, 2020

Dowlada Kuuriyada koonfurteed ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay Labo gantaal oo ah nooca Balaastikada ee ridada dhexe

Labadan gantaal oo waqooyiga Kuuriya ay ganeen xili hore oo saaka ah ayaa gaaraya 450km ayaa ku dhacay aaga dhaqaalaha ee bada Dalka Japan.Taliyaha ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay inay qiimaynayaan Xaalada.

Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ugu baaqay Dowladda waqooyiga Kuuriya inay joojiso tijaabada Barnaamijka Nukliyeerka iyo Gantaalaha Balaastikada oo ay dib ugu soo laabato miiska wadahadalada.

Tijaabada gantaalahan ayaa ku soo aadaysa iyadoo Caalamku uu la tacaalayo masiibada ka dhalatay cudurka Coronavirus oo laayay dad ka badan 10 Kun oo qof.

Dalka kuuriyada Waqooyi ayaa dadaal ugu jira inuu helo noocyada kala duwan ee Gantaalada hubka nukliyeerka qaada sida kuwa dhulka laga tuuro, Badda iyo cirka si ay uga gaashaantaan duulaan uga imaan kara Maraykanka iyo xulafadiisa.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *