Kenya oo lagu soo rogay bandow habeenkii ah.

Published: March 26, 2020

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha dalka Kenya oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa si faahfahsan u sharaxay xaalada guud ee Dalka Kenya, halka ay marayso xaalada dadkii uu haleelay xanuunka Covid19, faafista cudurkaan iyo saamaynta uu u yeeshay ganacsiga iyo isu-socodka dadka reer Kenya.

Uhuru ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in bandow xilliyada habeenkii ah lagu soo rogay, bandowgaan ayaa ka bilaabanaysa 7da fiidnimo illaa iyo 5ta aroornimo.

Madaxweyne Uhuru waxa uu sheegay in amarkaan uu dhaqan-geli doono maalinka jimacaha, ujeedada laga leeyahayna ay tahay sidii looga hortagi lahaa faafista caabuqa Carona-Viruska.

Warkan uu ku dhowaaqay Madaxweynaha Kenya Uhuru ayaa ku soo beegmaya xilli tirada dadka uu cudurka Coronovirus laga helay dalka Kenya ay gaartay illaa iyo 28 ruux, Madaxweynuhu wuxuu xusay in mid ka mid ah bukaanadii laga helay cudurka Covid 19 ee dalka Kenya uu ka bogsaday cudurka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *