DFS oo Dhakhaatiir Caawiya u Diraysa Dalka Talyaaniga

Published: March 27, 2020

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa 20 Dakhtar u diraysa Dalka Talyaaniga si ay uga caawiyaan cudurka Coronavirus oo dalkaasi ku dilay dad gaaraya 9,000 kun oo qof.

Afhayeen u hadlay dowladda Fedraalka Ismaaciil Mukhtaar ayaa wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu khadka telefoonka ugu sheegay in dowladda ay u dirayso 20 Dakhtar oo ka socda Jaamacada Ummada Somaliyeed ee Muqdisho.

” Dhakhaatiirtan oo si iskood ah isku xilqaamay waxay iska diwaangaliyeen Safaarada Talyaaniga ee Muqdisho, waxayna u socdaali doonaan dalka Talyaaniga si uga caawiyaan dagaalka lagula jiro cudurka Coronavirus” ayuu yiri Afhayeenku

Wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay ka jawaabtay codsi uga yimid dowladda Talyaaniga oo caawinaad ka dalbatay dowladda federaalka, waxaana uu sheegay in dhakhaatiirtu ay diyaar u yihiin inay u ambabaxaan Talyaaniga.

Dalka Talyaaniga waxaa aad u saameeyay cudurka coronavirus, kaasi oo dilay dad ku dhow 9,000 kun oo qof, waxaana uu ku dhacaya dad ka badan 80 Kun oo qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *