Puntland oo Karan-tiishay dad looga shakiyay Cudurka Covid-19.

Published: March 28, 2020

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in Wasaaradu ay waddo dadaalo looga hortagayo cudurka sida fudud ugu faafay dunida, Wasiirka Waxa uu sheegay in Dawladu ay hayso 5 qof oo looga shakisan-yahay Cudurka Covid-19.

Wasiir Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in dadkaan ay ku hayaan xarun ay wasaaradu ugu talagashay dadka ay uga shakido Cudurka Covid-19, Wasiirku wuxuu beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in Garoowe kiis laga helay.

Ugu danbayn wasiirku wuxuu xusay in dadkaan ay yihiin dad isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, waxa uus heegay in dadkaas neecaan laga qaaday, Maalamha soo socda la rajaynayo in ay soo baxdo jawaabtoodu.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *