Puntland oo ka hadashay Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Garoowe.

Published: March 29, 2020

Maxamed Cabdiraxaam Dhaban-cad Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo ay weheliyeen Wasiiro kale ayaa si faahfaahsan u sharaxy qaraxii ka dhacay Magaalada Garoowe caawa fiidkii.

Wasiir dhaban-cad waxa uu sheegay in qaraxaan uu ahaa mid is-miidaamin ah oo lala beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Waxa uu sheegay in qaraxaan uu sidoo kale ku dhaawac-may taliyihii hore ee qaybta Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galan-goolli).

Wasiir Dhaban-cad waxa uu tilmaamey in sidoo kale uu ku dhaawac-may is-miidaamintaan qof shacab, ugu danbay waxa uu sheegay in ciidamada Booliska ay wadaan baaris la xiriirta xagga Amnigga.

Caasimadda Garoowe ayaa ah magaalooyinka ugu xasiloon magaalooyinka waaweyn ee Somaliya,

Waa qaraxii labaad oo noociisu ahaa ismiidaamin oo ka dhaca Garowe tan iyo markii Puntland la asaasey, qaraxii kowaad oo ismiidaamin ah ayaa dhacay sanadkii 2015, waxaana lala beegsadey shaqaalaha qaramada Midoobey ee Garowe

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *