Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qalab caafimaad ku wareejisay maamulada HirShabelle iyo Galmudug

Published: March 31, 2020

Wasaaradda Caafimaadka ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qalab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga cudurka Coronavirus ku wareejisay maamullada HirShabelle iyo Galmudug.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in qalabkaasi sida tooska ah loogu wareejiyey HirShabelle iyo Galmudug uu qayb ka yahay deeqo gaar ah oo loo qoondeeyey dowlad goboleedka ka jira dalka, si looga hortaggo faafitaanka COVID19.

Qalabkaan ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ka heshay Shiinaha, gaar ahaan maal-qabeenka Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadda Alibaba oo qalabkaan ugu deeqay Wadamada Afrika.

Horay dowladda dhexe ayaa maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed u gaarsiisay deeq la mid ah tan, si loo xakameeyo cudurkaan oo halis ku haya caalamka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *