Kenya oo Diiwaan Gelisay Kiisas Cusub oo Coronavirus

Published: April 6, 2020

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay diiwaan gelisay 15 Kiis oo cudurka coronavirus oo cusub, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka uu ku dhacay 142 qof.

Madaxa Caafimaadka ee Kenya Mercy Mwangangi waxaa uu sheegay in dadka cusub ee laga helay cudurka coronavirus ay isugu jiraan muwaadiniin u dhashay Kenya iyo Dalka Nigeria, da’dooduna ay u dhaxayso 22 ilaa 66 sanno jir.

Wuxuu sheegay in 16 qof ee laga helay cudurka la geeyay goob lagu karantiilayo, islamarkaana ay bilaabeen inay baadigoobaan dadkii ay la kulmeen iyo goobihii ay tageen.

Dhinaca kale, Dowladda kenya waxay sheegtay in 15 qof ka badan ayan ka qaybgali karin baroordiiqda iyo aaska loo samaynayo dadka u dhinta cudurka coronavirus.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *