Lagtagareen Guddi u saaraya Xalinta Colaada Walaweyn.

Published: April 6, 2020

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay Colaada ka socota Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa marka hore tacsi u diray dadkii ku geeriyooday Colaada Walaweyn, wuxuuna Colaadaas uu ku tilmaamay mid islaanimada iyo Soomaalinimada ka fog.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed inay sharciga horkeeni doonaan cid walba oo ku lug leh dagaalka xun ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Degmada Walaweyn iyo deegaanada hoostaga.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in Guddi u saari doonaan Colaada Walaweyn, kuwaasi oo si deg deg ah u kala dhex geli doona beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamayo Wanlaweyn.

Waxa uu dhamaan lamaha amniga ee ku sugan Wanlaweyn si buuxda u faray inay kala dhex-galaan Maleeshiyaadka ku dagaalamaya halkaas

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *