Somaliland oo Sheegtay inay Diyaarisay Qorshe Qaran oo looga Hortegayo Corona

Published: April 6, 2020

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshe qaran oo looga hortegay Cudurka Coronavirus ee saameeyay Guud ahaa caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo magaaladda Hargaysa ka furay shirka Wacyigelinta Heer Qaran  ee COVID19 oo ay wada yeesheen wasaaradda warfaafinta iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland ayaa soo jeediyey in dhammaan hay’adaaha Qaramada Midoobay ee shirkaa kasoo qayb galay ay kaalin muuqata ka qaataan dedaallada wacyigelinta ee ay wasaaraddu waddo.

Wasiirku waxa uu xusay in Cudurkan waxa ugu weyn ee lagaga hortagi karaa ay tahay Wacyigelin bulshada loogu tilmaamayo qaabka ay uga badbaadi karaan waxaanu hay’adaha qaramada midoobay ka codsaday inay arrintaas si dhow ugala shaqeeyaan Wasaaradda Warfaafinta oo xubin ka ah Guddida heer qaran ee Covid19.

Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in Culayska ugu badan ee Marxaladan lagu Jiraa ay ku dhacayso Wasaaradaha Caafimaadka oo hawshan caafimaad ahaan uga mas’uul ah, Wasaaradda Warfaafinta oo Waajibaadkeedu yahay inay Ummada Wacyigelin buuxda siiso.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Cabdi Saxardiid Xirsi oo u hadlayey hay’adaha Caalamiga ah isagoo sheegay inay balan qaadayana inay warka si toos ah u gaadhsiinayaan hay’adaha UNka iyo kuwo deeq bixiyayaasha ah.

Geesta kale, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee wasaaradda warfaafinta C/qaadir Dayib Askar oo madasha ka hadalay ayaa sharraxaad kasoo qayb galayaasha shirka ka siiyey Qorshaha Qaran ee Wacyigelinta xanuunka Coronavirus. Agaasimaha ayaa sidoo kale dul istaagay doorka looga baahanayahay hay’adahaha Qaramada Midoobay in ay ku yeeshaan fulinta qorsha wacyigelinta.

Gabagabadii shirkaana waxa laysla qaatay in la mideeyo tacabka iyo dedeaallada lagu xaqiiinayo in farriimaha wacyigelineed wada gaadheen dhammaan bulshada Jamhuuriyadda iyada oo la raacayo Qorshaha Wacyigelineed ee wasaaraddu diyaarisay.

Dhinaca kale, Guddida Heer Qaran Ee Ka Hor Taga Iyo U Diyaar Garowga Xannuunka Coronavirus ayaa kulan Muhiim ah qasriga madaxtooyadda JSl kula yeeshay ganacsatada Qaadka dalka Keena.

Kulankan Waxaa shir gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka JSL isla markaana ah Gudoomiyaha Guddidan heerka qaran kaas oo Ujeedadiisu ahayd Is xogwaraysi ku saabsan Waxyaabaha u qabsoomay guddida heer qaran ee ka hortaga iyo u diyaar garowga Xannuunka Coronavirus Waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayay Wasiiradda Maaliyadda, Iyo Arrimaha Gudaha, oo ka mid ah guddidan heerka qaran.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *